Taageerayaasha Arsenal oo war farxad leh Aaron Ramsey ka hor kullanka Man City.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Aaron Ramsey ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, isagoo nal cagaaran u shiday Unai Emery inuu usoo xusho safkiisa kullanka furitaanka horyaalka Premier League-ga.

Laacibkan ayaa tababarka kooxda kusoo laabtay xilli ay kullanka koowaad ee xilli ciyaareedka cusub ka hor tagi doonaan maalinta Axadda kooxda Manchester City oo difaacaneysa horyaalka.

Kubbad qaabeeyaha reer Wales ayaa uu soo gaaray dhaawac dhanka Kubka ah intii uu ku jiray is kululeyntii kullankii ay Chelsea ku wajaheen ICC Cup.

27-jirkan oo galay sanadkii u dambeeyay ee qandaraaskiisa ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato kullanka Axadda ay ciyaari doonaan iyo kullamada xiga ee horyaalka Ingiriiska.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR