Taageereyaasha Manchester United Oo Si Caro Leh Uga Falceliyey Qoraal Manchester City Ku Socday Oo Ay Manchester United Soo Dhigtay Twitter-keeda

Manchester United waxa ay ugu hambalyeysay Manchester City hanashadii Premier League laakiin waxaan taas ku farxin taageereyaasheeda.

United waxa ay haysatay fursad ay ku dheereyn kartay dabaal dagga Manchester City ugu yaraan toddobaad kale markii ay axaddii Old Trafford ku soo dhaweeyeen West Brom.

Laakiin kooxda Jose Mourinho waxa ay ku guuldarreysteen in ay ka badiyaan waxaana ciqaabay Jay Rodriguez.

West Brom waxa ay natiijadaas uga dhigneyd in ay helaan ugu yaraan natiijo ilaa iyo toddobaadyada soo socda ku hayn karta horyaalka heerka kowaad halka ay Man City si rasmi ah ugu gacan galisay Premier League.

Manchester United waxa ay si xirfadlenimo ah ugu hambalyeysay dariskooda iyaga ooh ore na sidaas o u sameeyey markii ay 2012 iyo 2015 qaadeen horyaalka.

“Waxaan hambalyeneynaa Manchester City oo ku guuleysatay Premier League,” ayey ku soo qoreen Twitter-kooda rasmiga ah.

Qaar ka mida taageereyaasha United ayaa taas ka xanaaqay.

“Waxan tirtira,” ayuu taageere soo qoray.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan u tir tira,” mid kale ayaa qoray.

“Waxaan ha soo Tweet gareeniya,” mid kale ayaa qoray.

“Muhiim ma aha, tir tira,” taageere kale ayaa qoray.

Mid shanaad ayaa raaciyey: “Shaqada ka erya qofka Twitter-kan masuulka ka ah.”

Taageereyaal kale ayaa u hambalyey Manchester City oo 16 dhibcood oo aan la soo qaban karin hoggaanka ku haya.

United waxa ay u gacan galisay City horyaalka kaddib markii ay guuldarro kala kulantay West Brom iyada oo la ogyahay in ay toddobaadkii hore iyadu baajisay.

Sabtidii hore, Pogba oo laba gool dhaliyey iyo mid Smalling ah ayaa u diiday Manchester City in ay dabaal dagto.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR