TAARIIKH: Ansu Fati Oo Isku Qoray Taariikhda Barcelona Ee Champions League Rikoodhna Ka Jabiyay Lionel Messi

Da,yarka Kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa durba isku qoray taariikhda kooxda Barcelona isaga oo rikoodh ka jabiyay xiddiga ugu muhiimsan kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddiga Ansu Fati ayaa ku bilowday shaxda kulanka ay Barcelona goordhaw la ciyaari doonto kooxda Borussia Dortmund kulan ka tirsan champions League.

Xiddiga 16 jirka ah ayaa noqday xiddigii ugu da,da yaraa ee Abid kooxda Barcelona u ciyaara tartan yurub ah isaga oo jabiyay rikoodhkaas oo uu Lionel Messi u dhigay.

Lionel Messi ayaa Barcelona u saftay kulan yurub ah isaga oo jira 17 sano iyo 166 maalmood laakiin Fati ayaa caawa saftay kulan yurub ah isaga oo jira 16 sano iyo 321 maalmood.

Image

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR