Tababaraha Ay Man United Wadahadalada QARSOON La Yeelatay Ee Dhawaan Bedeli Kara Ole Gunnar Solskjaer Oo La Ogaaday.


Advertisements


Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United, Kooxdaas ayaa wadahadalo qarsoodi ah lasoo yeelanaysay tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ay doonayaan.

Man United ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed isku dhafan kusoo hoos bandhigaysa tababare Solskjaer xilli ay kaliya sagaal kulan kasoo guuleysteen 22-ka kulan ee ay kasoo ciyaareen Premier League.

Manchester ayaa saxaafada markasta kahor sheegaysay inay si buuxda uga dambayso tababaraha kooxdeeda ee Solskjaer oo ay xilka kooxda si rasmi ah ugu magacaabeen bishii March ee sanadkii 2019.

Si kastaba, Xaalada ayaa ka duwan sidaas marka garoonka laga baxo waxaana ay wada xaajood qarsoodi ah lasoo galeen Pochettino sida uu sheegay suxufi Phil Brown  oo ka hawl-gala talkSPORT.

Advertisements


Brown ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xogta uu helay ay tahay in Pochettino uusan doonayn inuu qabto Red Devils kahor dhammaadka xilli ciyaareedka sidoo kalena ay tahay inuu loo balanqaado shuruudo dhawr ah marka hore.

“Waxa la ii sheegay waa in United ay la hadlaysay Pochettino mudo toddobaadyo ah haatan, Isagu ma doonayo shaqada ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka” Ayuu Twitter-ka ku yidhi Phil Brown .

“Isagu ma doonayo shaqada ilaa baahiyaad cayiman loo sameeyo, Waxa ii sheegay qof ogaan kara, Qof aan aaminsanahay 100% oo i siiyay xog wakhtiyo hore”.

Xaqiiqada ah in Barcelona oo dhawaan lala xidhiidhinayay Pochettino ay tababaraha bedelaya Ernesto Valverde u magacawday Quique Setien ayaa ah mid kale oo caawinaysa Man United.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR