Tababare Arsene Wenger oo albaabka u furay inuu ka tago kooxda Arsenal, balse ka dib muxuu qaban doonaa?

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu helo fursad uu tababare uga noqdo Koobka Adduunka, marka ugu dambeyn uu soo afjaro waayihiisa kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Wenger ayaa leylinayey kooxda Arsenal tan iyo sannadkii 1996dii, waxaana dhowr jeer horay loola xiriirshay maamulka xulka qaranka England.

Wenger wuxuu caddeeyey inuu marwalba jecel yahay inuu shaqeeyo maalin walba, balse wuxuu soo jeediyey inuu ka shaqeeyo dhacdo weyn sida Koobka Adduunka.

Isagoo la hadlayey beIn Sports wuxuu yiri: “Haa, waa laga yaabaa inaan tababare u noqdo xul qaran, laakiin hadda waxaan jeclahay inaan shaqeeyo maalin walba, waxaan jeclahay nolosha tababarista heerka kooxeed, maxaa yeelay taas ayaa ah tijaabada dhabta ah.

 “Laakiin marwalba sidaan uma xooganaan doono, sidaas darteed waa laga yaabaa inaan tababare u noqdo xul qaran, waana jeclaan lahaa inaan maamulo xul ka ciyaaraya dhacdo u weyn sida Koobka Adduunka”.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR