Tababare Gian Piero Ventura oo si cad uga hadlay mustaqbalkiisa ka dib markii ay Italy usoo bixi weysay Koobka Adduunka

Tababare Gian Piero Ventura ayaa wuxuu xaqiijiyey inuu damacsan yahay inuu iska casilo xilka tababarenimo ee xulka qaranka Italy – ka dib markii ay Azzurri ku guuldarreysatay usoo bixitaanka Koobka Adduunka markii ugu horreysay muddo 60 sanno ah.

Italy ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulantay xulka Sweden kulankii laba lugoodka ahaa ee bugbaxda Koobka Adduunka Russia loogu soo baxayey.

Tababarihii hore ee kooxda Torino Gian Piero Ventura ayaana cadaadis daran uu soo fuulay, wuxuuna haatan daaha ka qaaday inuu damacsan yahay inuu iscasilo maadaama Talyaanigu ay ku guuldarreysteen inay usoo baxaan Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1958dii.

69 sanno jirkaan Ventura ayaa la filayaa in lagu bedelo Carlo Ancelotti, shabakadda Mediaset ayaana sheegeysa inay u badan tahay inuu saacadaha soo socda xilka isaga dego.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR