Tababare Si Lama Filaan Ah U Qirtay In Uuna Lionel Messi Boos Ka Helayn Kooxdiisa & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Tababaraha Kooxda Real Sociedad ee Imanol Alguacil ayaa xaqiijiyay in uuna doonayn in uu Lionel Messi ka mid ahaado kooxdiisa isaga oo aaminsan in uuna kabtanka Barcelona ku soo baxayn qiimaha kooxda Sociedad.

Barcelona ayay noloshu ku adkaataa marka uu ka maqan yahay iyada oo rajaynaysa in dhaawacyadii xiddiga soo gaadhay xilli ciyaareedkan in ay soo dhaamaadeen.

“Kuma soo baxayo qiimaha iyo qaabka Sociedad”ayuu Imanol yidhi.

“Si kasta ha ahaatee waa xiddig cajiib ah waxana uu qabtaa waxyaabo cajiib ah”.

“Laakiin qiimihiisa iyo heerkeena hooseeya ayaan ahayn mid uu ku soo baxayo, tababarista Messi waxa ay igu keenaysaa madax xanuun laakiin waxa aan badan lahaa kulamo badan hadii aan tababare u ahay”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR