Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay in dagaal ay ku dileen Saraakiil Al-Shabaab ah.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal xoogan oo in ka badan laba maalmood Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa DANAB iyo Ururka Al-Shabaab ku dhexmareyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidanka Danab ee Jubbaland ka howl gala Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in dagaalka oo ka dhacay aaga degmada Jamaame,sida deegaanka Bangaani iyo deegaano kale khasaaro lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 12 Ruux,sidoo kale ay Ciidamada DANAB la wareegeen tuulooyin dhowr ah sida,Koban Bangaani iyo Baladul Raxma dhamaantood oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Danab ee Jubbaland ka howl gala G/lle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi wuxuu sheegay in laba duqeyn oo dhinaca Cirka ah lala beegsadey Xarumo ay Al-Shababaab ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana Gaadiid looga gubey sida uu hadalka u dhigey.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR