Taliyaha Ciidamada Maraykanka Ee Afrika Oo La Kulmay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya


Muqdisho, 16 September, 2020- (Foore)- Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika, ee dalka Maraykanka Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed.

kulankaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagaga hadlayay sidii loo hormarin lahaa Iskaashiga amniga ee Soomaaliya gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeynayso ciidamada xoogga iyo kuwa Danab, si looga caawiyo inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalkooda.

Dhawaan Maraykanka ayaa sheegay inuu Soomaaliya ku bixiyay lacag ka badan shan bilyan oo dollar 20-kii sano ee lasoo dhaafay, balse aan natiijadii loo baahnaa laga helin.

Waxaa kaloo xusid mudan in maamulka madaxweyne Trump uu afartii sano uu xilka hayo duqeymihii ugu badnaa ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR