Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Deegaanka Baar-Sanguuni (SAWIRRO)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen Madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah Mintidiinta Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan ciidamada ammaanku ay ku fashiliyeen qarax la doonayay in Saldhigaas lagu weeraro.

Taliye Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR