Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab

Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa wuxuu sheegay xil ka xauubintii lagu sameeyay inay aheyd mid baal marsan sharciga ciidamada qalabka sida iyo dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 8-dii September 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soo jeedin ka timid Agaasimaha NISA, waxaana lagu eedeeyay in uusan u qalmin ka mid ahaanshaha NISA, laguna amini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.

Cabdalla Cabdalla oo ku sugan Dubai ayaa wuxuu sheegay darajo iyo hanti inay tahay wax shaqsiga uu leeyahay, hadii ay noqoto in xilka laga qaadana keliya ay sameyn karto maxkamad dambi ku hesha, marka uu xukunka dhacana lagu cadeeyo darajadii iyo hantidii uu lahaa in lagala wareegay.

Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay ilaa hadda inaanu arkin cid dambi ku soo oogtay, taasi bedelkeedana isaga uu maxkamada tagay, islamarkaana uu dacwad gudbiyay, balse aan waxba laga qaban.

Cabdalla Cabdalla ayaa wuxuu sheegay in Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin aysan u qalmin inay ka shaqeeyaan amniga qaranka, maadaama uu tilmaamay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab, waqti dheerna la shaqeynayeen Ururka Al Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda federaalka.

Dhinaca kale Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu soo hadal qaaday ciidanka NISA ee loo wareejiyay booliska, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi lagu deg degay, islamarkaana ujeedada ay tahay sidii loo burburin lahaa ciidanka NISA.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR