Taliye kuxigeenkii ciidanka Cirka Somaliya oo caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya gaar ahaan Xerada Afasiyooni ku geeriyooday Taliye kuxigeenkii ciidanka Cirka Somaliya Maxamed Aadan Samatar.

Geerida Maxamed Aadan Samatar waxaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay Taliyaha ciidanka Cirka Somaliya, Maxamed Xuseen Nuur (Fanax) oo ka tirsan saraakiisha Millatariga iyo qaar ka mid ah ehelada Marxuumka geeriyooday.

Allaha unaxariistee Marxuum Samatar ayaa muddooyinkii dambe la xanuunsanayay xanuun dhanka Beerka ah, iyada oo dhawaan laga keenay dalka Hindiya oo arrimo caafimaad loogu qaaday.

General Maxamed Aadan Samatar oo sidoo kale ahaa Madaxii Saadka ee Ciidanka Cirka ayaa muddo badan ka soo shaqeeyay hawlaha ciidanka Cirka.

Taliyaha ciidanka Cirka Somaliya Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) ayaa marka hore Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyd iyo ehelada Marxuumka uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Maxamed Aadan Samatar.

“Dhaqaatiirta ayaa maalmo kahor waxay ii sheegeen in Maxamed aysan xaaladiisa fiicneyn, islamarkaana xaaladiisa aan waxba laga qaban karin, bacdamaa aan doonaynay inaan Turkiga geyno, Marxuumka wuxuu ciidanka ku soo biiray Sideetameeyadii, wuxuu ahaa nin aad uga adag shaqadiisa.” ayuu yiri Taliye Maxamuud Sheekh Cali.

Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Maxamed Aadan Samatar oo ay walaalo ahaayeen Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo Axadii ka laabtay Muqdisho, isaga oo qeyb ka ahaa wafdigii Madaxweynaha Jabuuti ee todobaadkan booqashada ku yimid Somaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR