Tallo Uu Steven Gerrard Siiyay Liverpool 9 Sano Ka Hor Oo Sax Noqotay.

Steven Gerrard ayaa Liverpool ku hayay qalbigiisa intii uu u ciyaarayay waxana uu kooxda siiyay talo sanadkii 2011 taas oo noqotay mid sax ah kooxduna guulo ku gaadhay.

Steven Gerrard ayaan Liverpool kula guulaysan Premier League laakiin Reds ayaa haatan ugu dambayn ku guulaystay koobka ay inkaartu ka haysatay muddo 30 sano ah.

Jordan Henderson ayaa Liverpool ku hogaamiyay horyaalka premier League isaga oo masuuliyada kabtanimada kala wareegay Gerrard halka Virgil Van Dijk door muhiim ah ka qaatay dhanka daafaca.

Labada xiddig ayaa laf dhabar ka noqday Kooxda Liverpool iyada oo uu Henderson ka maqnaa kulanka kaliya ee laga badiyay Liverpool horyaalka xilli ciyaareedkan.

Markii ay Liverpool la soo saxiixatay Henderson Gerrard ayaa yidhi”Run ahaantii waa saxiix fiican, waxa aan rajaynayaa in uu noqdo Steven Gerrard-ka cusub”.

Advertisements

“Kooxaha Fiican ee kubada cagta ah waxa ay badalaan xiddigohooda ugu fiican, Liverpool waxa ay u baahantahay Gerrard Cusub Iyo Jamie Carragher cusub”.

Waxana haatan la bar-bar dhigaa saamaynta xiddigaha Henderson iyo Van Dijk saamayntii xiddigaha Gerrard & Carragher Ku laahyeen kooxda Liverpool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR