TANI WAA FARRIIN CAD: CR7 Ma Uusan Jecleysan Sida Uu Leo Messi Ku Bilowday Xilli Ciyaareedkaan – Yaase U Sabab Ah?

Markii ugu horreysay muddo afar sanno ah, Lionel Messi ayaa xagaaga si buuxda nasiino usoo qaatay, wuxuuna muujinayaa inay nasiinadaasi sabab u tahay qaabka wanaagsan ee uu ku bilowday xilli ciyaareedkaan 2017 illaa 2018.

30 sanno jirkaan Messi, ayaa sideed gool dhaliyey lixdiisii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedkaan, taasoo ah farriin cad oo uu u diray xiddiga ay xifaaltamaan ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo oo laga ganaaxay seddaxdii kulan ee ugu horreeyey ciyaaraha horyaalka La Liga.

Messi wuxuu u muuqdaa mid aad u firfircoon maadaama uu soo nastay xagaagii, isla markaana uusan ka qeyb qaadan waajibka xulkiisa qaranka Argentina.

La Pulga ayaa dhaliyey rigoore lugtii hore ee finalka Supercopa de Espana ee ay ku wajaheen kooxda Real Madrid, ka dibna laba gool ayuu ka dhaliyey kooxda Alaves ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga, Isbuucii lasoo dhaafay ayuu seddaxleey ka dhaliyey kooxda Espanyol ciyaartii Derby Catalonia.

Talaadadii, Messi ayaa wajahay Juventus ciyaartii furitaanka guruubyada tartanka UEFA Champions League wuxuuna kulankaas dhaliyey laba gool – taasoo ka dhigan inuu sideed gool dhaliyey lixdiisii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedkaan 2017 illaa 2018.

Xaqiiqadu waxay tahay, Messi ayaa maraya bilowgiisii ugu wacnaa tan iyo xilli ciyaareedkii 2013 illaa 2014 marka laga hadlayo inuu sideed gool ka dhaliyey nus darsin ciyaaro ah, sidaas oo kae ayuu ku bilowday xilli ciyaareedkii 2012 illaa 2013 iyo 2011 illaa 2012.

Messi bilowdaan oo kale ma helin intii uu Barcelona hogaaminayey tababare Luis Enrique, waxaana qaab ciyaareedkiisa wanaagsan u sabab ah tababaraha cusub ee Barcelona Ernesto Valverde kaasoo xiddigaan kusoo celiyey ka ciyaarista booska lambarka 10aad iyo lambarka 9aad ee beenta ah (False No.9).

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR