Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Kadib Kulamada Maanta

Tartanka Loogu jiro gool dhalinta premier League ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh kadib todobaadkii 5-aad ee la ciyaaray horyaalka iyada oo ay jiraan xiddigo wacdaro dhigaya si xoogana ugu tartamaya gool dhalinta.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa wacdaro dhigay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Wolves isaga oo dhaliyay 3 gool sidaasna ku yeeshay 7 gool oo uu ka dhaliyay 5-tii kulan ee premier League.

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa dhankiisa sii wada gool dhalinta isaga oo gool ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Norwich City sidaasna ku yeeshay 7 gool.

Xiddiga laga yaaban yahay ee kooxda Norwich City ee Teemu Pukki dhaliyay gool kulankii ay Norwich city guusha ka gaadhay kooxda Man City isaga oo sidaas ku yeeshay 6 gool.

Raheem Sterling oo aan isagu wax gool ah dhalin ayaa leh 5 gool halka xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo goolal dhaliyay kulankii Newcastle ay leeyihiin min 4 gool.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha u tartamaya gool dhalinta premier League:

Tammy Abraham (Chelsea) 7 Gool

Sergio Aguero (Man City) 7

Teemu Pukki (Norwich) 6

Raheem Sterling (Man City) 5

Mohamed Salah (Liverpool) 4

Sadio Mane (Liverpool) 4

Ashley Barnes (Burnley) 4

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR