Tiirarka Fagaare Ka Hadalka (WQ: Xamse Tudhaale)

1: Mawduuca aad ka hadlayso, waa in uu taabtaa baahida Dadka; si aad quluubtooda u hanato si fiicana saamayn ugu yeelatid.

2: Hadalkaagu waa in uu ahaadaa mid qodobaysan ama aad u soo gudbisay hannaan sheekeed (In aad sheeko ku darto waxa aad ka hadlayso), Daliilo cadcad oo Qur’aan, Xadiis ama Cilmi baadhis ah.

3: Luuqad jidheedkaaga (Body Language) ka warqab oo si deggan u soo bandhig luuqad jidheed aad u qurux badan oo aanay ka badbadini ku jirin.

4: Codkaagu ha ahaado mid gaadhaya dhammaan dadka meesha fadhiya, taas macnaheedu maaha qayli balse waa in aad miisaami karto codkaaga oo aad samayn karto kala duwista heerka codka (Vocal Variety) taas oo uu macnaheedu yahay in aad meelaha qaar sida qodobada muhiimka ah oo kale uu codkaagu ka dheeraado sida caadiga ah.

5: Waa in aad aqoon u leedahay xirfadda ka dhaadhicinta (Persuasion Skills) oo ah hannaanka ugu fudud ee aad cidda aad la hadlayso waxa aad kala hadlayso aad u fahamsiin karto ugana dhaadhicin karto, tan oo ah qodobka ugu muhiimsan.

6: Waa in aad taqaano oo aad wax badan ka ogtahay dariiqooyinka diyaarinta qudbadaha (Effective ways of speech preparation)

7: Waa in aad taqaano hannaanka xakamaynta cabsidaada, kana warqabto nooca cabsidaada.

8: Wax ka baro Cilmiga Fagaare ka hadalka, si aanad ugu margan dhammaan qodobadan aynu soo sheegnay.

F.G: maqaalkan waxa aan qoray 2018

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR