Tirada Ciidamada Amisom looga dilay Somaliya oo la soo saaray

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay tirada Ciidamada Amisom
ee looga dilay Somaliya tan iyo markii Sanadkii 2007 ay galeen Ciidamada
Midowga Afrika Magaalada Muqdisho.

Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray Barre Jaamacadeed oo lagu
magacaabo Paul Williams, kaasi oo sheegay xogta la xiriirta Warbixinta inuu ka
helay ilo kala duwan oo gaaraya illaa Shan xubnood, islamarkaana uu helay
cadeymo muujinaayo magdhowga Ciidankaasi qoysaskooda la siiyay.

Paul Williams, ayaa warbixintiisa ku sheegay tirada Ciidamada
Amisom Somaliya looga dilay inay gaarayaan illaa 1,800 Askari, hayeeshee waxaa
uu warbixintiisa ku sheegay in tirada intaas aad uga badan tahay.

Darbiga Midowga Afrika ee Xaruntiisa ay tahay Magaalada Addis
Ababa ayuu xogta qaar ka soo xigtay, halkaasi oo uu ka helay magacyada &
Darajada Ciidamada lagu dilay Somaliya ee ka tirsan Midowga Afrika.

Warbixintan oo uu ku soo bandhigay Machadka caalamiga ah ee
Nabadda oo uu fadhigiisu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayuu
dowladaha Amisom ku jira ku eedeeyay in aysan khasaaraha askartooda soo gaarta
la wadaagin Warbaahinta, kaliyana la qaato warbixinnada ay Al-shabaab ka
sheegtaan taas oo uu sheegay in ay tahay siyaasad xun.

Paul Williams, ayaa warbixintiisa ku muujiyay in intii u
dhaxeeysay 2007 ilaa December 2018 Askarta Amisom u diiwaangashan ee dhintay ay
gaarayaan 1,884 Askari, iyada oo wixii ka dambeeya xilligaasna meelaha qaar aysan
ahayn kuwo dhameystiran.

August 2009 ilaa September 2012,waaxaa geeriyootay 439
Askari,waxaana lagu ogaaday dukumiintigii magtooda lagu bixiyay oo muujinaya in
askarigiiba laga bixiyay $50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Amisom ayaanan inta badan la wadaagin Warbaahinta Khasaaraha
kala duwan ee ka soo gaara dagaalka ay kula jiraan Shabaab, balse taasi
bedelkeeda waxa ay sameeyaan inay qariyaan xogta la xiriirta Khasaaraha ka soo
gaara dagaalka Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR