Tirada ciidamada ka qeybqaadan doonta soo dhaweynta Mukhtaar Roobow ee Baydhabo oo la ogaaday

Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” oo sheegay inuu isku dhiibay dowlada Somalia ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhabo.

Abuu Mansuur ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaan doona muddo ku dhow laba bil, iyadoo ujeedka socdaalkiisa uu yahay mid salka ku haya dib u habeyn lagu sameynaayo xoogagiisa ku sugan deegaanka Abal iyo Gaadiidka ay ku shaqeeyan.

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa mudada uu ku sugnaan doono magaalada Baydhabo amnigiisa sugi doona ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Ethiopia kuwaa oo ay wehlin doonaan tirro dagaalyahaano ah oo hadda lagu sii diyaariyay magaalada Baydhabo.

Ciidamada ka qeybqaadan doona amniga Mukhtaar Roobow ayaa tirro ahaan lagu sheegay 120 kuwaa oo ay ka madaxbanaan yihiin dagaalyahaano lasii shaqeyn doono inta uu ku sugan yahay Baydhabo.

Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay ciidamada sugi doona amnigiisa ayaa la sheegay inay tahay mid looga gaashaamanaayo duulaan kaga imaada maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa dhan waliba xooga ka saareysa sida Roobow looga badbaadin lahaa xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab, kuwaa oo ku howlan dadaal ay ku doonayaan inay ku khaarijiyaan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR