Tiro dad ah oo xalay lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Dulleeda Muqdisho

Muqdisho
(PP) ─
Ugu yaraan saddex oo la
socday hal gaari ayaa kooxo hubeysan ay xalay ku dileen deegaanka Ceelasha
Biyaha ee dulleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka
dambeysan dilka dadkan oo lagu sheegay shacab.

Wararka ayaa waxay sheegayaan
in rag hubeysan ay xalay fiidkii dilkaan ka geystay isgoyska Ceelasha-biyaha,
halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah shacabkii ka barakacay Muqdisho xilliyadii
dagaallada iyo kuwo kale oo horay deegaanka u deggenaa.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta
ayaa sheegay in saddexda qof lagu dhex-dilay gaariga, isla markanaa uu illaa
saakay yaallay goobtii lagu dilay xalay, kooxihii falkaas geystayna ay goobta
ka baxsadeen.

Sidoo kale, shacabka
deegaanka ayaa sheegay in dadka dilka geystay aan la garanayn cid ay ahaayeen,
sidoo kalena aan la garan weli dadkii dilka loogu geystay deegaankaas.

Inta badan dilalka noocan oo
kale ah ayaa waxaa geysta Al-shabaab oo ka ag-dhaw deegaankaas iyo kuwa kale ee
u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, mana ahan markii ugu horreysay oo dil noocan
oo kale ah uu ka dhaco isla deegaanka Ceelasha biyaha.

Dhanka kale, Hay’adaha amniga
dowladda ayaan ka hadlin dilka xalay loogu geystay saddexda qof deegaanka
Ceelasha Biyaha, waxaase saakay xiisad laga dareemayaa deegaankaas oo dad badna
ay daggan yihiin.

Ugu dambeyn, Falkaan ayaa
wuxuu imaanayaa xilli maalimihii u dambeeyay ay  hawl-gallo is-daba-joog ah ciidamada DF ay ka
wadeen Ceelasha-biyaha, kuwaasoo lagu shaaciyay in lagu helay kaydkii hubka ee
ugu weynaa ee ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR