TRANSFER NEWS: Roma Oo Juventus Kula Dagaallamaysa Saxiixa Laacibkan Ka Ciyaara Serie A.

Roma ayaa doonaysa in ay suuqa kala iibsigA ciyaartooyda kala soo saxiixato xidig ka ciyaara ka qadka dhexe.

Agaasime Monchi ayaana diiradda saartay da’yarka qadka dhexe kaga ciyaara Empoli ee Hamed Junior Traore, kaas oo waqtigan kamid ah da’yarta ugu wanaagsan Serie A.

Sida ay warisay jariiradda  Il Tempo Giallorossi ayaa laacibkan baadi goobaysay tan iyo suuqii xagaaga, markaas oo aysan u suurta galin in ay gacanta ku dhigto.

Si kastaba ha ahaatee, Roma ayaa tartan kala kulmaysa kooxaha Sampdoria iyo Juventus kuwaas oo labaduba danaynaya adeegga laacibkan.

Kooxda caasimadda ayayna waajib ku noqon doontaa in ay sida ugu dhaqsaha badan ku dhammaystirto heshiiska laacibkan, si aysan uga dulqaadin kooxaha kula tartamaya saxiixa laacibkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR