Twitter oo Hawada Ka Saartay Cinwaanka Madaxweyne Trump

WASHINGTON(HALBEEG)-Shirkadda Twitter-ka oo ka mid shirkadaha bixiya adeegga xariirka bulshada ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah ay hawada uga saartay cinwaankii uu bateeda ku lahaa madaxweyne Trump.

Twitter ayaa sheegetay in go’aankan ay gaartay kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay barta.

Shirkadda ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan Mareykanka.

Tallaabadan ayaa timi iyada oo shirkadda onlinka ah ay maalmahan meesha ka saaraysay cinwaannada baahiya erayada kicinta ah ama dhibaato horseedi kara, gaar ahaan taageeryaasha Trump.

Sharci dajiyeyaasha Mareykanka qaarkood iyo dadka caanka ayaa muddaba ku baaqayay in bata twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka madaxweyne Trump.

Arbacadii shirkadda ayaa muddo 12 saacadood ah xirtay cinwaanka Mr Trump, kaddib qalalaasihii ka dhacay xarunta congress-ka iyadoo sheegtay inuu mar kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay in uu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.

Boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa weeraray dhismaha Capitol iyagoo gudaha u galay rabshadana halkaasi ka kiciyay.

Twitter ayaa horay ugu digtay Trump, waxayna sheegtay in gabi ahaanba meesha ka saareyso cinwaanka Trump haddii uu baalmaro shuruucda u deggan shirkadda.


Post Views:
29

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR