UGU DAMBAYN – PSG Oo Iska Caabintii Ka Baxday Aqbashayna Shuruudii Ugu Weyneyd Ee Ay Barcelona Ku Doonaysay Neymar & Waxa Ka Cusub Wada Xaajoodka Labada Dhinac.


Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa u muuqata mid ka baxday iska caabintii ay Barcelona kaga ceshaynaysay saxeexa garabka kooxdeeda ee Neymar JR iyada oo aqbashay shuruudii ugu weyneyd ee ay kooxdaasi wadatay.

Shalay ayay ahayd markii wargeyska aadka xog ogaalka u ah ee L’Equipe uu sheegay in agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo uu diiday dalabkii ugu horreeyay ee ay Barca ka gudbisay Neymar tan iyo wada fadhiisigii labada kooxood oo ahaa heshiis hal sano oo amaah ah kaddibna ay la wareegayso.

Sida ay saxaafadu soo tabinaysay guud ahaan suuqa xagaagan oo dhan, Cabashada ugu weyn ee Barcelona ayaa ahayd inay bixiso dhammaan 222 Milyanka ay Paris ku doonayso Neymar.

Maamulka Barca ayaa doonayay inay 100 Milyan iyo hal ciyaartoy ama laba ciyaartoy iskugu daraan Paris Saint-Germain waana shuruuda ay ugu dambayntii aqbashay PSG sida uu sheegay L’Equipe.

Kooxda caasimada France ayaa doonaysa inay ugu yaraan hesho dhaqaale u dhigma midkii ay laba sano kahor ku bixisay 27 jirkan ree Brazil sidaas darteed 100 Milyan iyo laba ciyaartoy oo ay waliba iyagu xulanayaan ayay heshiis fiican u arkeen.

Warka ayaa sheegaya in PSG ay kala dooranayso Philippe Coutinho (27 jir ah), Ousmane Dembele (22 jir) iyo Nelson Semedo (25 jir) balse ay gabi ahaanba meesha ka saareen heshiis ay Barca kaga qaataay Ivan Rakitic oo 31 sano jir ah.

Caqabada ayaa haatan ah haddii Barcelona ay doonayso inay dhammaan xiddigahaas si sahlan ku fasaxdo, Ugu horreynba waxa ay Coutinho oo kaliya ku qiimaynaysaa 120 Milyan waana wax ay adagtahay inay sahal ku dirto.

Caqabada kale ayaa ah in Barcelona aysan awood buuxda u wada lahayn bixinta 100-ka Milyan gudaha xagaagan kaddib markii ay 120 Milyan kula soo wareegeen Antoine Greizmann dhawaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR