Uhilowga Haweenka Hal Maalin (WQ:Saynab Hassan Ahmed)

8 march sanad kasta waxa aduunka looga dabaal degaa maalinta haween weynaha dunida, inta ugu badan wadamada aduunka oodhan ayaa maalintaasi aad looga xusaa. Haweenka oo lagu qiyaasay 49.6% inay ka yihiin aduunka dadka ku nool sida ay hay’ada baanka aduunku sheegtay ayaa maalintaasi aad loo weyneeya looguna dabaal degaa. Haweenku waxay isu sii abaabulaan xusida maalintaasi aduunka looga calaamadiyay ee lagu falanqeeyo doorka haweenku ku leeyihiin dhinacyada nolosha ee kala duwan, doorka ay ka qaataan horumarka dhaqan dhaqaale ee wadamada, iyo awoodaha ay haweenku leeyihiin.

Inkasta oo aan laysku waafaqsanayn waqti sax ah hadana waxa la falanqeeyaa in 1908 ilaa 1909 ay ahayd markii ugu horeysay ee la xuso maalinta haweenka wadanka maraykanka iyadoo tiirka ama udub dhexaadka dhacdadaasi uu ahaa kooxo haween ah oo shaqaale ka ahaa warshadaha maraykanka ay ka cabanayeen tacdiyo dumarnimada ka dhan ah oo lagula kacay, isla waqtigaa waxa la xusay inay tahay maalintii la ogaaday qiimaha ay haweenku ku leeyihiin bulshada. 19 march 1911 ayaa dowladaha Austria, Switzerland, Germany and Denmark ayaa laga xusay maalinta haweenka. Ugu dambayn 1975 ayeey hay’adaha qaramada midoobay ku taageereen ama goaamiyeen in haweenka sanad kasta bisha march 8 loo dabaal dego.

Somaliland waxay ka mid tahay wadamada maalintaasi aad looga xuso, waxay haweenka Somaliland isu sii diyaariyaan xuska maalintan loo suntay haween weynaha iyagoo kooxo ah iyo iyagoo kali kali ahba. Xaflado badan ayaa caasimada Hargeisa iyo goboladaba lagu qabtaa, xafladahaa inta badan waxa soo agaasima rag iyo haween wada socda. Laamaha dowlada iyo ururada aan dowliga ahayn ee bulshadu waxay aad uga qayb qaataan diyaarinta xafladaha maalinta haweenka ee loo qoondeeyay 8 march.

Kolka aad joogto xafladuhu meelaha ay ka socdaan iyo marka aad dhugato sida loogu diyaargaroobayo xafladaa maalinta haweenka, waxaad filanaysaa inay tahay maalin aad ugu wayn haweenka aduun waynaha gaar ahaan haweenka Somaliland. Kolka aad la sheekaysato haweenka Somaliland eed waydiiso sababta ay maalin qudha ugu kaaftoomeen isagoo khaaliqii abuuray maalin kasta oo aynu nolol kusoo kacno fursad inoo siiyay inaynu Eebe kor ahaaye u mahad naqno islamarkaana haweenka siiyay haybado u gaar ah oo aanu ragu lahayn, jawaabaha aad heleyso waxa kamid ah:

1. Haweenka aduunka ee dabaal degaya ayeeynu kamid nahay kolkaa waa inaynu inaguna is muujinaa.
2. Maadaama oo ay maalinteenii tahay, waa inaynu is muujinaa oo raga tusnaa awoodaha aynu leenahay.
3. Waa maalinta aynu u doodi karno xuquuqda aynu leenahay ee leynaga duudsiyay! Yaa duudsiyay?

Jawaabahaasi iyo kuwo la halbeeg ahi waa kuwa aad ka helayso dumarka Somaliland iyo haweenka soomaalida guud ahaan.

Haweenka iyo Islaamka
Khaaliqa koonkan abuuray ayaa wuxuu haweenka guud ahaan u sameeyay qaab ka duwan qaabka raga uu u sameeyay, isla markaana wuxuu awood usiiyay inay maamulaan oo hormood ka noqdaan waxyaabo badan oo nolosha aadamaha ku ah muhiim ama tiirarka ay nolosha aadamuhu ku taaganyihiin ah, wuxuu kaloo Eebe subxaanah u abuuray dumarka am haweenka howlo u gaar ah oo ay qabtaan isla markaana howlahaasi ay qabanayaan lagu abaalin doono maalinka dambe (maalinka qiyaamaha). Kalaamka sharafta badan ee khaaliqa koonkan abuuray ayaa suurad ka mid ah loogu magac daray haweenka (Suuratu nisaa) ee Juzka afaraad ee quraanka kariimk ah, iyadoo suuradaasi ama ayaadkaasi sharafta badan uu Eebe subxaanah kaga hadlay xuquuqaha dumarka u gaarka iyo siyaabaha dumarka ay tahay in loola dhaqmo. Suubanaheenii Muxamad ayaa isaguna axaadiis badan kaga hadlay dumarka iyo haybadooda, waxaa axaadiistaa ka mid ahaa xadiiskii uu rasuulkeenu SCW ku sheegay in aabaha ama waalidka laba ama sadex gabdhood ilaahay ugu deeqo kadib u samafala gabdhahaasi ee ku barbaariya barbaarinta suuban ee Islaamka, uu waalidkaasi iyo suubahanu SCW u siman yihiin janada. Xadiis kale ayaa wuxuu suubanuhu SCW ku lahaa “waxa ugu fiican kiina ehelkiisa iyo reerkiisa ugu fiican, anaana idiinku fiican oo ehelkayga iyo reerkayga ugu fiican”, macnaha xadiiska ayaa kolka culimadu turjumayso lagu sheegaa in ninkii ooridiisa si fiican ula dhaqmaa uu yahay kan ugu wacan. Xadiiskale oo suubanaha laga soo wariyay SCW ayaa nuxurkiisu ahaa “sadex jeer ayeey hooyadu aabaha ka xaq mudantahay”.

Dhaqanka Somalida iyo haweenka:
Soomaalidu waa dad dhaqan soo jireena leh oo ay kaga duwanyihiin dhamaan bulshada caalamka. Dumarku bulshada soomaalida waxay ku yihiin qaali si ka badan sida dheemanta iyo dahabku qaali ugu yihiin. Waxa marag ma doon ah in Aabaha soomaliga ahi marwalba u nugul yahay ama u debacsanyahay inantiisa uu dhalay kolka la barbar dhigo inamadiisa. Inantu kolkey joogto guriga reerkooda waxay ka tahay boqorad ay waalidkeed iyo walaaladeed (raga) boqraan iyadoo hadana ay jirto duruufo ku gedaaman oo dhaqan ahaan ah in gabadha aad loo ilaaliyo oo aan la siin xoriyad la mida ta inanka la siiyay, taas macnaheeduna waxa lagu soo koobi karaa wixii qiimo gaara kuu leh ayaad aad u ilaalisaa oo dahabka iyo maartaba isku si looma wada ilaasho, halkaas ayaad ka dhugan kartaa inanta ama gabadha iyo sida looga koolkooliyo gurigooda. Xaga daryeelka inantu inta aanay guursan dhaqan iyo diin ahaanba waxaa ka masuula aabaha dhalay, walaalkeed ama ehelkeeda cida rag ah ee ugu xigta, waxaa ku waajiba inay masruufkeeda iyo daryeelkeedaba u dhamaystiraan, gabadhu kolka ay guursato ninkeeda ayaa masuul looga dhigay oo daryeelkeeda iyo masruufkeedaba ka masuula xata hadii ay tahay gabadh iyadu isku filan oo shaqeysata, kolka gabadhu hooyo noqoto ama qof weyn noqoto wali waxa ka masuul ah odaygeeda iyo wiilkeeda hadii ay ay wiil dhashay, gabadha hadii xaajigeedu dhinto wax masuul inta badan ka noqda reerka ay u dhaxday oo caruurta la koriya.

Sidaa si lamida bulshada soomaalidu dumarka waa uga nugulyihiin cid kasta. Meelaha dadku isugu yimaadaan sida gaadiidka la raaco kolkaad eegto waxaad arkaysaa in dumarka loo tixgaliyo oo la siiyo meelaha ugu haboon ee ay fadhiisan karaan, raga soomaalidu waxaa ku jira dareen ah in ninku aanu dulqaadan doonin inuu arko gabadh ama inan soomaaliyeed oo la aflagaadeynayo xataa hadaanu garanayn, waxaa ku jira raga soomaalida dareen lahaanshiyo ah oo ay gabadh kasta dareensanyihiin inay tahay mid uu u damqado. Waa jiraan dhaqamo liita oo raga qaarkood kula kacaan haweenka laakiin caam ahaan bulshada soomaalidu dumarka iyo sharaftooda waa ku faanaan oo ilaashadaan.

Haweenku uma baahna inay ismuujiyaan sababtuna waxa weeye khaaliqa abuuray koonkan ayaa kolkii uu kalaamkiisa sharafta badan suurad dhan haweenka ugu magac daray maamuusay oo muujiyay, isla markaana kala cadeeyay waxyaabaha ay xuquuq u leedahay haween ahaan.
Haweenka Suubanaheenii sharafta badnaa SCW ayaa muujiyay awoodaha ay leeyihiin markii uu sheegay inay hooyadu aabaha sadex jeer ka xaq mudantahay, uma baahan in ay masalo wadamada galbeedka lagasoo maleegay ku jahawareeriso nafteeda.

Xuquuqda haween ahaan naga maqan sifo shariciga islaamka ee sharafta badan waafaqsan in loo raadiyo ayaa haboon laakiin hal maalin oo la maamuusaa ama la wayneeyaa dumarnimda macno masoo kordhinayso maadaama Awoodahayga iyo xuquuqdayda Eebe SWT oo koonkan abuuray hore iigu qeexay.
Ugu dambayn liidnimo iyo kalsooni daro ayeey u eegtahay kolka uu qof hal maalin oo makhluuq isaga la mid ahi samaystay ku kaaftoomayo in la xuso ama qiimihiisa lagu falanqeeyo isaga oo ah bani aadam sharaf badan oo ilaahay karaameeyay kuna maamuusay awoodo badan oon cidkale la wadaagin.

W/Q: Zeinab Hassan Ahmed

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR