Vinicius Jr oo jebiyay rikoor u yaallay Iker Casillas!

Waxaa si aad ah isu beddelay nolosha xiddigga dhallinyarada ah ee Vinicius Jr tan iyo markii xukunka Kooxda Real Madrid uu la wareegay Santiago Solari.

Macallinkii shaqada Madrid laga ceyriyay ee Julen Lopetegui ayaanan ka faa’ideysan tayada ciyaarayahankan, waxaana uu ahaa mid uu inta badan u isticmaali jiray Madrid Castilla ama keydka, hase ahaatee waxaa si aad ah kaga faa’ideysanaya Macallin Solari oo si ku meel gaar ah kaga arriminaya Santiago Bernabeu.

Macallinka reer Argentina ayaa ciyaaryahankan siiyay 135 daqiiqo saddexdii kullan ee lasoo dhaafay, taasoo u dhiganta 12-kii kullan ee uu Julen Lopetegui la shaqeeyay.

Waxaa uu beddel kusoo galay kullankii xalay ay Real Madrid kusoo tumatay kooxda Viktoria Plzen oo ay marti u ahaayee.

Waxaa uu ka qayb qaatay goolkii uu dhaliyay Toni Kroos oo isagu caawintiisa lahaa, ka dib markii daqiiqaddii 62-aad lagu beddelay Karim Benzema.

Safashadiisa xalay, waxa ay ahayd mid qaas ah maadaama ciyaaryahanka reer Brazil uu kasoo muuqday kullankiisii ugu horreeyay ee Champions League-ga u ciyaaro Los Blancos.

Waxa uu barbarreeyay Iker Casillas kaasoo isagoo 18 sano iyo 118 maalmood jira u saftay Real Madrid kullan ay la ciyaareen Olympiacos 15-kii September 1999.

Keliya Jose Rodriguez oo jiray 17 sano iyo 347 maalmood, iyo Raul Gonzales oo jiray 18 sano iyo 78 maalmood ayaa kaga dhaqso badnaa inay saftaan kullan Champions League-ga ay ciyaareyso Real Madrd.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR