“Virgil Van Dijk Waa Shaqsiga U Qalma Hanashada Abaalmarinta Ballon d’Or, Cristiano Ronaldo Aad Umuu Wanaagsanayn”.


Halyeeyga kooxaha Liverpool iyo Manchester United ee Paul Ince ayaa dhiibtay aragtidiisa abaalmarinta Ballon d’Or ee xiddiga sanadkan oo la filayo inay ku tartami doonaan xiddigihii hore abaalmarinta xiddiga sanadka Yurub ugu soo tartamay ee Virgil Van Dijk, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ince ayaa kamid ah shaqsiyaadka jeclaan lahaa inuu abaalmarintan ku guuleysto daafaca kooxdiisii hore ee Van Dijk isagoo iska indho tiray xiddigaha inta badan kusoo guuleysanayay ee Messi iyo Ronaldo.

Image result for Paul Ince

Dhinaca kale waxa uu Paul Ince su’aal ka keenay sababta aan marnaba loo soo hadal qaadin garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling oo xilli ciyaareed aad u koobab badan lasoo qaatay Sky Blues.

“Arrinka ku saabsan Ballon d’Or waa inaynu markasta doorano dad isku mid  ah, Waa midkood Messi iyo Ronaldo inuu ku guuleysto, Miyayna ahayn?”

“Laakiin ma jirto sabab uusan u noqon karayn daafac (Guuleystuhu), Virgil Van Dijk waxa uu ahaa mid khaas ah sanadkan, Laakiin waxaan sidoo kale filayay in Raheem Sterling uu usoo bixi karo”.

“Isbedel wanaagsan ayay samayn lahayd in Virgil Van Dijk uu ku guuleysto abaalmarinta halkii ay kaliya ka noqon lahayd Messi iyo Ronaldo wakhtigoo dhan, Uma malaynayo in Ronaldo uu ahaa mid aad u wanaagsan”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR