Waa kuma agaasimaha Madaxtooyada Puntland Ee cusub?

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland,ayaa loo magacaabay masuulkan,waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdiladiif.

Madaxii hay’ada SAVE CHILDREN ee Somaliya,ayuu ahaa fadhigiisuna ahaa Nairobi Kenya.

Maxamed sida aan xogta ku helay waa shaqsi aqoon leh,oo sumcad ku dhex leh bulshada,waxuuna kasoo jeeda Gobolka Bari oo Madaxweyne Deni uu ka yimid.

Maxamed Cabdiladiif waxaa looga fadhiyaa in uu hogaamiyo Madaxtooyo ay isha ku hayaan bulsho gaaraysa 4-milyan oo qof,kuwaasoo baahiyo kala duwan qaba.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR