Waa maxay cudurka gaasku, ma u malaynaysay inaad qabtid xogtan ka hor? (WQ: Dr Jama Sahal)

Ma ogtahay in waxa ugu badan ee keena yaraanta rabitaanka cuntada (oomateedka) ee qofka uu yahay cudurkaan?

Ma ogtahay in dad badan oo leh qufac aan daawo kasta marnaba ka baabi`inayn ay tahay aashatada caloosha oo dhuuntooda kusoo rogmata marka ay habeenkii seexdaan? Qufacaanna uu ka baaba`o marka ay daawo gaas isticmaalaan?

Ma ogtahay in dad badan oo dhiig la’aan qaba taas oo kusoo noqnoqota siiba dumarka Soomaalida, ay qabaan cudurkaan, kaas oo keena in rabitaanka cuntadu ku yaraato sidaas darteedna ay ku dhalato dhiig la`aan ka iman dhanka cunto la`aanta ah iyo yaraanshaha maaddooyinka caawiya qaadashada Fiitamiinnada cuntada laga qaadto?

Ma ogtahay in dadka waayeelka ah waxa ugu badan ee keena yaraansha rabitaanka cuntada (oomateed-xumidooda) uu yahay cudurkaan?

Ma ogtahay in dadka ugu badan ee Soomaalida iyo dunida kaleba ee sheegta in wadnaha laga hayo aan wadnahoodu waxba qabin balse ay qabaan cudurkaan gaaska iyo cudurrada la-xariira?

Ma ogtahay in caanaha qarni in ku dhow adduunka dhan laga aaminsanaa in ay u fiicanyahiin cudurka gaaska balse waa dambe la ogaaday in aysan caanuhu u fiicnayn cudurkaas?

Haddaba cudurkaani waa maxay?

Gastritis (Ereyga Gastr = Calool. itis = Caabuq/Jirro)
Cudurka gaasku waa jirro ku samaysmata dahaarka ugu sarreeya dahaarada gudaha ee caloosha. Dahaarkan sare ayaa ah midka caloosha ka difaaca dheecaanka aashatada ah ee isla calooshu soo dayso kaas oo loogu talo galay in cuntada lagu burburiyo sidoo kalena looga dilo wixii jeermis ama cudurkeene kale ah oo cuntada la socda. Dahaarkaan ayaa waxaa jirradu keenaysaa in uu tifmo, kadibna aashatada calooshu ay gubto isla-caloosha.

3. Soomaalida sidee ku yahay cudurkaan?
Soomaalida ayaa la dhihi karaa in ka badan boqolkiiba siddeetan waxa ay qabaan nooc ka mid ah cudurka gaaska ama cudurrada kale ee la midka ah kuwaas oo aan gadaal ku sheegi doono.

4. Dadka Soomaalidu maxaa ay ka yaqaannaan cudurkaan?
Dadka in badani waa ay isku og yahiin in ay qabaan cudurkaan ayaga oo in badani dhakhtar u sheegay in ay qabaan cudurkan.

Qayb kale oo dadka ah oo badan ayaa aan war u hayn in cudurka haya uu yahay cudurkaan gaaska. Tusaale:
In badan ayaa dadka aaminsan in ay qabaan cudurka Joondhiska (Cagaarshow ama Indho-Caseeye hadba kii aad u taqaanid). Dadkaan ayaa aaminsan in markasta oo bogga (laab-xuunshada) laga qabto ay tahay cudurka cagaarshowga oo kusoo kacaya.
Haddaba dadkaan

I. Haddii aad waydiiso meesha laga hayo, dhammaantood waxa ay ku tusinayaan bogga (laab-xuunshada/galangaalista).

II. Haddii aad waydiiso in indhahoodu jaalle noqdeen ama cagaarteen sida ay aaminsanyahiin dadka qaar in indhuhu cagaartaan qofka joondhiska qaba. Waxa ay kuugu jawaabayaan “Maya indhahayga waxba iskama baddalaan markasta oo igu kaco cudurkaani”.

III. Haddii aad waydiiso waxa keenay ama mar kastaba ku keena in cudurkaani ku soo kaco. Waxa ay ku jawaabayaan: cuntada dufanka leh, hilibka idaha, waxyaalaha la shiilo, dhanaanka, basbaaska iyo cuntooyin kale. Tan oo dhammaan caddayn u ah in cuntadu ay tahay waxa ku kicnaya cudurkaan

IV. Haddii aad waydiiso wax baaritaan ah oo Indhacaseeye ah oo la mariyey ama aad baaritaan u samayso waxa aad ogaan in inta badani aysan qabin wax indhocaseeye ah, beerkooduna uu u shaqaynayo si wanaagsan, aan ka ahayn qof asagu iskiis beerka uga jirranaa ama indho-caseeye dhab ah qabay balse aan iska war hayn.
In badan oo kale ayaa dadkaan:

I. Kuu iman ayaga oo ka cabanaya in wadnaha laga hayo, beerku uu xanuunayo, naqasku ku dheggan yahay, garabka iyo dhabarka halka bogga ku beegan in laga hayo IWM. Dhammaantoodna marka aad eegto aad ogaanayso in cudurka gaasku hayo ama cudurrada u dhow sida kuwa xammeetida, ganaca , beerka iwm. Balse inta ugu badani meesha ay xanuunka kasheeganayaan ay tahay bogga.

II. In badan oo kale ayaa aan ka war hayn meesha xanuunasaba ee calaamado kale ka cabta sida in ay dawakhaad dareemayaan, in ay oomateed xunyahiin, in dhiig la`aani ku soo noqnoqto, In tabar darro ay markasta isku arkaan iyo waxyaalo kale oo badan kuwaas oo dhammaan ka imaan kara cudurkaan gaaska ah.

XALKA GAASKA, SONKORTA IYO DHIIG KARKA
WAXAA QORAY DR JAAMAC SAHAL .

FADLAN LA WADAAG DADKA KALE.
La soco qaybaha dambe.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR