Waa Maxay Sababta Ay Arsenal Faa’iido Weyn Ugu Qabto Hadii Ay Man United Hesho Saxiixa Kalidou Koulibaly?

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu daafaca Kalidou Koulibaly wax weyn ka badali doono Man United sidoo kale waxa uu war fiican u yahay kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Kalidou Koulibaly ayaa lagu qiimeeyaa daafaca 2-aad ee ugu fiican adduunka isaga oo ka dambeeya xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk waxana uu Napoli joogay ilaa xagaagii 2014.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Man United aad u doonayso saxiixa xiddiga reer Senegal iyaga oo doonaya in ay xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaarsiiyaan xiddiga Harry Maguire.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa 85 milyan oo euro waxana uu noqon doonaa daafaca ugu qaalisan adduunka isaga oo ka horayn doona xiddigaha Harry Maguire iyo Virgil Van Dijk.

Advertisements

Sidoo kale ku biirista Daafaca ee kooxda Man United ayaa war fiican u ah kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in hadii ay Man United hesho saxiixa Koulibaly ogolaan doonto in uu daafaca Chris Smalling lacag aad u jaban ugu biiro kooxda Arsenal.

Mikel Arteta ayaa Chris Smalling ka dhigtay bartilmaameedkiisa ugu weyn ee dhanka daafaca waxana uu doonayaa in uu xiddiga keeno dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay Roma oo uu amaah ula joogo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR