Waa Sidee Miiska Kala Sarreynta Gool-Dhalinta Champions League Kaddib Kulamadii Toddobaadkan? Halkee Ayay Ku Jiraan Messi & Ronaldo?

Toddobaadkan ayuu markale soo hilaacay tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee UEFA Champions League waxaana si buuxda u kala calaf qaaday siddeedii kooxood ee loolanka ugu jiray buuxinta afartii boos ee ka maqnaa siddeed dhammaadka tartanka.

Iyadoo ay hore wareega siddeed dhammaadka boosaskooda uga samaysteen kooxaha Ajax, Manchester United, Tottenham iyo Porto ayay boosaska hadhsanaa dhammaystireen kooxaha kala ah Juventus, Manchester City, Barcelona iyo Liverpool.

Juve ayaa guul soo laabasho cajiib ah ku dirtay Atletico oo lugtii hore kasoo adkaatay, Manchester City ayaa markale guul ka gaadhay Schalke halka Liverpool iyo Barca ay dhinac iska mariyeen Lyon iyo Bayern oo kulamadii hore barbardhacyo lasoo galay.

Haddaba, Iyadoo sidoo kale ay meel xamaasad leh marayso kala sarreynta gool dhalinta Champions League ayuu Lionel Messi soo gaadhay Robert Lewandowski oo isagu ku fashilmay inuu shabaqa ka gaadho Liverpool.

Messi iyo Lewandowski ayaa in siddeed gool wadaaga kaddib goolashii Messi ee xalay waxaana kusoo xiga Moussa Marega iyo Dusan Tadic oo min lix gool leh.

Intaa kaddib waxa min shan gool leh xiddigaha kala ah Neymar, Dzeko, Kramaric iyo Aguero oo laba gool kasoo dhaliyay Schalke.

Ugu dambayn, Cristiano Ronaldo oo saddexley ugu soo quus gooyay Atletico Madrid ayaa haatan kor usoo qaaday goolashiisa waxaana uu soo gaadhay afar gool.

Halkan Kaga Boggo Kala Sarreynta Gool Dhalinta Oo Sawir Ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR