Waa sidee xaallada dhaawaca ee Sergio Aguero kahor kulanka la wada sugayo ee Arsenal?

(Manchester) 16 Okt 2020. Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ku dhow inuu ku soo laabto garoomada kaddib muddo dheer oo uu maqnaa dhowr bilood, kaddib markii uu maray qalliin jilibka ah oo ka hor istaagay inuu ka soo muuqdo kooxdiisa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay ku wajahdo Arsenal kulamada Isbuuca lixaad ee horyaalka Premier League, waana kulan ay wiilasha Pep Guardiola rajeynayaan inay guul gaaraan isla markaana ay u dhaqaaqaan dhanka hogaanka.

Aguero ayaa dib uga soo muuqday tababarka guud ee saaxiibadiis kooxda Manchester City tan iyo bilowgii todobaadkan, kaddib markii uu dhameystiray Isbuucii la soo dhaafay tababarrkii shaqsiyeed taas oo qayb ka ah barnaamijkiisa soo kabashada.

Sida laga soo xigtay shabakada reer Argentine ee “Tyc”, Sergio Aguero ayaa diyaar u ah inuu ka qayb galo kulanka Arsenal ee sabtida, waxaana si weyn loogu badinayaa inuu ku jiri doonaa liiska xiddigaha loogu yeeri doono kulankan la wada sugayo.

Shabakada ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda aanu cadeyn in Pep Guardiola uu ku soo dari doono Sergio Aguero liiska xiddigaha uu ugu yeeri doono inay ka qeyb galaan kulanka adag ee Arsenal, laakiin ugu yaraan waxaa la rajeynayaa inuu ka soo muuqan doono kursiga keydka.

Manchester City ayaa kulamadii la soo dhaafay waxay dhibaato weyn ka heysatay dhanka gooldhalinta maadaama ay dhaawac kaga maqnaayeen xiddigaheeda Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus, Pep Guardiola ayaana isku dayay dhowr magacyo inuu booskaas ku biixiyo sida Phil Foden iyo Raheem Sterling laakiin kuma guuleysan.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR