Wakiilka laacib ka tirsan Napoli oo niyadda u dhisay Chelsea!

Difaaca kooxda Napoli ee Elseid Hysaj wakiilkiisa ayaa sheegay inaysan xiiseyneynin inay heshiis cusub u saxiixaan kooxda reer Italy.

Arrintani ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxda Chelsea lala xiriirinayo laacibka reer Albaina.

Hysaj ayaa xagaagii 2015 Empoli kaga yimid qiimo dhan 5-million oo Euros, tan iyo xilligaasna waxa uu kusoo baxay xiddig darajo sare leh.

Waxaa lagu tiriyaa dambeedyada midig ee ugu fiican Serie A, waxaana xilli ciyaareedkan uu Napoli u ciyaaray Toddobo kullan horyaalka.

Wakiilka 24-jirkan oo lagu magacaabo Mario Guiffrida ayaa dhowaan la hadlay CalcioNapoli24Live, waxaana uu carrabbaabay in laacibka uu wakiilka u yahay dookhiisa koowaad ahayn inuu heshiis cusub u saxiixo Partenopei.

Laba sano ayaa ka harsan qandaraaskiisa hadda uu ku joogo San Paolo, waxaase xagaagii dhowaa suuqii kala iibsiga uu ku sigtay inuu macallinkiisii hore ee Maurizio Sarri uu kula biiro Chelsea.

Balse weli macallinka Blues ayaa xiiso ahaya xiddiggiisii hore ee Hysaj, waxaana hadda u sahlan in xagaaga dambe ay qiimo jaban ku helaan, maadaama qandaraaskiisa uu ka harsanaan doono hal sano.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR