Wakiilka Paul Pogba Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furay Koox Doonaysa Xiddiga Reer France, Real, Juventus Mise PSG?

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa wali xiddiga ku riixaya in uu isaga tago kooxda Man United.

Mino Raiola ayaa wadahadalo la furay kooxda PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe xilli uu Mauricio Pochettino doonayo in uu xiddiga ka dhigo kooxdiisa cusub.

Arintan ayaa imanaysa bil kadib markii uu Mino Raiola sheegay in uu soo dhamaaday wakhtigii Paul Pogba ee kooxda Man United.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR