War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Andy Robertson Ka Hor Kulanka Napoli, Miyuu Ciyaari Doonaa?

Waxa ay warbixin cusub ka soo baxday xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson saacado ka hor kulanka ay Reds la ciyaari doonto Napoli kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu daafaca Bidix ee Andy Robertson ciyaari doono kulanka Napoli ee caawa bilowga tartanka champions League.

Robertson ayuu shaki ku jiray in uu ciyaari karo kulanka caawa kadib markii ay jug ka soo gaadhay kulankii Newcastle waxana uu seegay tababarkii shalay ee kooxdiisa ka hor kulanka caawa.

Laakiin wargayska Express Sport ayaa sheegaya in uu Robertson si fiican tababarka u qaatay maanta tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool ka hor kulanka caawa.

Xiddiga ayaana ogolaansho caafimaad u helay in uu ciyaaro kulanka caawa ee Napoli.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Klopp ka qayb dhigi doono xiddiga shaxdiisa kulanka Napoli ee caawa xilli Reds bilaaban doonto difaacashada tartanka champions League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR