wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

Waraka Xanta ee BBC: Morata, Higuain, Pochettino, Hudson-Odoi, Coutinho, Willian, Neymar , iyo wararka ugu waaweyn ee xanta maanta la Qoraayo.

Milkiilaha Tottenham oo United u Diida Pochettino:

Milkiilaha kooxda Kubadda Cagta Ee Tottenham ninka lagu magacaabo Daniel Levy aya shaaca ka qaaday macalinkooda Mauricio Pochettino in uusan qaban doonin kooxda Man United Xitaa Hadii ay United Bixo  £50m oo bound  (Sun).

Chelsea Oo Doneysa in ay buy-back clause  ku xeraan Callum Hudson-Odoi:

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea Ayaa Isku Dayeysa Dhigooda Bayar Munich in kala xaajoodaan Iibka Callum Hudson-Odoi oo Chelsea dooneyso inay ku xerto dib u soo iibsasho (buy-back clause) Hadii ay u baahdaan in soo ceshtaan, Balse kooxda reer Germany ayaa iska Diiday qorshahaan  (Times – subscription required)

Robben oo Talo U diray Callum Hudson-Odoi:

Wayeelka Garabka Kaga CIyaara Kooxda Bayar Munich Arjen Robben oo Waqti ku soo qaatay kooxda Chelsea ayaa da’yarka England Callum Hudson-Odoi kula taliyay In uu Ku Soo Biiro Kooxda Reer Germany  (Mirror)

Philippe Coutinho oo Laga Yaabo in uu ku Biiro Kooxda Man United:

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in dhageestaan dalabka kaga imaanaya kooxda Man United tasoo Doneysa Soo Qaadashada Philippe Coutinho kasoo Horey U Soo Maray Kooxda Liverpool (Calciomercato, via Star)

Barcelona oo Dalab Labaad ka Gudbineysa Willian:

Kooxda Barcelona Ayaa Isku Diyaarineysa In Ay Dalab Labaad Ka Gudbiyaan Garabka Reer Brazil Willian kasoo ay Khamiisti dalabka koowaad ka gudbiyeen waloo ay Chelsea Soo Diiday dalabkaas  (Standard)

Chelsea oo Labo Xidig Hishiis La Gaartay:

Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea Ayaa Hishiisyo Hordhac ah La Gaartay Labada Xidig Ee Nicolo Barella oo Qadka Dhaxe ugu ciyaara kooxda Cagliari Iyo Leandro Paredes oo ka tirsan kooxda Zenit St Petersburg, Labadaan Saxiix Ayaa La Filayaa in ay ku dhawaaqaan saacadaha soo aadan(Telegraph)

AC Milan oo Weli Diyaar u ah inay iibiyaan Gonzalo Higuain:

Macalinka kooxda Ac Milan Gennaro Gattuso ayaa shaaca ka qaaday wada hadala in ay weli u socdaan iyaga iyo Chelsea kasoo ku aadan qaadashada Gonzalo Higuain oo laga yaabo in uu ku biiro kooxda Blues  (Express)

Neymar aabahiis oo beeninay in Wiilkiisa uu aadi doono Barca:

Aabaha Dhalay wiilka Reer Brazil ee kooxda Psg Neymar  ayaa sheegay in aysan waxaba ka jirin wararka Sheegaya in wiilkiisa uu ku laaban doono kooxda Barcelona (Express)

Bournemouth oo amaanay Go’aankii Jadon Sancho:

Weeraryahanka Cusub Ee Kooxda Bournemouth Dominic Solanke oo 21-sano Jir ah ayaa sheegay in ku biiritaanki Jadon Sancho ee kooxda Dortmound ay Dhiiri gelin u tahay Dhamaan Xidigaha Da’da Yar ee England in ay awoodaan ka tagista kooxohooda    (Times – subscription required)

Liverpool IyoFulham  oo Wada Doonaya Moanes Dabour:

Fulham iyo Liverpool ayaa isku heesta wiilka reer Yahuud Ee Ka Tirsan kooxda Red Bull Salzburg ninka lagu magacaabo  Moanes Dabour oo 26-sano jir ah kasoo weerarka ka ciyaara  (Estadio Deportivo – in Spanish)

Barcelona oo Soo Hungiriyeysay Alvaro Morata:

BArcelona Ayaa Ku soo biirtay loolanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata kasoo ay doonayaan in ay amaah ku qaataan inta xilli ciyaareedka ka dhiman  (Sport – in Spanish)

Lurent Koscielny oo Iska Diiday Monaco:

Kabtanka kooxda Arsenal Lurent Koscielny oo 33-sano jir ah ayaa iska diiday kooxda reer France ee Monaco tasoo dalab ka soo gudbisay (Le10 Sport, via Mirror)

Monaco oo Xidig kale ka dooneysa Chelsea:

Kooxda Monaco ayaa doneysa in ay markale Chelsea ka soo qaataan weeraryahanka reer Belgium Michy Batshuayi kasoo haatan ka soo laabtay Amaahda Kooxda Reer Spain Ee Vallencia, halka ay marki hore ka qaateen Febregas  (Goal)

Mirror back page on Saturday

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR