Wararkii ugu dambeeyay dad Shabaabnimo loo haysto oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ballaaran ka sameeyay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaano hoos-tagga degmadaasi, waxaana lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Hawlgalada oo Isniintii bilowday ayaa laga sameeyay Deegaanada Gololey iyo Isgoys oo hoos-tagga Degmada Balcad, waxaana lagu soo xir xiray illaa 18 qof, kuwaa oo loo kaxeeyay xarumaha hay’adaha amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalada dardar-geliyay ayaa gudaha u galay xaafado ka tirsan Degmada Balcad, iyaga oo gacanta ku soo dhigay toddobo xubnood, iyadoona loo haysto Shabaabnimo.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) oo hawlgalada faah faahiyay ayaa xaqiijiyay in hawlgalada dadkaasi lagu soo xir xiray ay yimaadeen, markii laamaha amniga ay xoggo ku saabsan u soo gudbiyeen.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in inta badan dadkaasi ayba qirteen in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab, baaritaanka marka la soo afjarana ay soo bandhigi doonaan tirada dadkaasi iyo cadeymahooduba.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ayaa waxaa ku soo noq noqday qaraxyada ay ka gaysanayan Ururka Al Shabaab. Bishan oo qura waxaa ka dhacay illaa toban qarax oo qaarkood lagu dilay Masuuliyiin Maamulka Hirshabelle ka tirsan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Shabaabkii laga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo wareegeen Gobolka Shabellaha Dhexe, taasina ay kordhisay weerarada ay ka gaysanayan deegaanada hoos-tagga Degmada Balcad.

Madaxweyne Waare ayaa ku baaqay min Dowladda Dhexe illaa shacabka ku dhaqan tuulooyinka ay Shabaabka iska soo abaabulaan loo istaago, sidii gacan bir leh looga hortaggi lahaa, si meesha looga saaro dhibaatada ay ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

General Tareedisho oo maanta la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa qiray in Shabaabkii laga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo guureen Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay qalabka u qaadan doonaan, sidii ay uga saari lahaayen gobolka, sida uu yiri.

Si kastaba ha-haatee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka hawlgala ayaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabiyeen hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, oo bishii hore ee August ka bilowday gobolada dalka qaarkood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR