Wararkii ugu dambeeyay Kooxaha Inter iyo AC Milan halkaan kaga bogo

Mauro Icardi ayaa baraha bulshada kooxda AC Milan ku xaqiray wuxuuna ka dhawaajiyay in magaalada Milan kaliya ka jirto koox ku cayaarto funaanada buluuga iyo maddowga xiran kadib markii Inter 3-2 guusha kaga qaadatay dariskeeda Milan.

Wanda Nara ayaa sheegtay in seygeeda Mauro Icardi iyo maamulka Inter Milan wax walbo qilaaf ah ka dhameeyeen sidoo kalena xidigan kooxda dib ugu soo laaban doono marka kulamada qaramada laga soo laabto ama dhamaadka bishan Icardi kooxdiisa u cayaari doono.

Franck Kessie ayaa fal cunsurinimo oo midib kala sooc ku dheehan kula kaceen taageerayaasha Inter Milan kulankii Milan Derby haatana gudiga anshaxa Serie A-da dhacdadan ayay baarayaan.

Franck Kessie iyo Lucas Biglia ayaa raali galiyeen taageerayaasha iyo kooxda AC Milan kadib markii ay kursiga keedka Milan ayagoo fadhiyaan is aflagaadeen lana kala qabtay oo ay gacan iskula tagi rabeen intii ay socotay kulan Milan Derby.

Macalin Gattuso ayaa weli aaminsan in kooxdiisa AC Milan ku dhameesan doonto meel ka sareyso naadiga Inter Milan inkastoo Milan haatan kaalinta 3-aad laga xoogay oo labo dhibcood laga sareeyo waxaana horyaalka Talyaaniga ka harsan 10-kulan.

Inter Milan ayaa Icardi dul dhigtay €80m oo looga iibin karo kooxaha aan Serie A-da Talyaaniga cayaarin xagaagan waxaana dooneyso Real Madrid, maamulka Inter xitaa haddii qilaafka haatan Icardi kala dhaxeeyo dhameeyaan waxaa ka go’aan ah xidigan in kooxda laga diro dhamaadka xili cayaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR