WARBIXIN: 4 Weeraryahan Oo Ay Liverpool U Dhaqaaqi Karto Hadii Ay Ku Fashilanto Saxiixa Timo Werner

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee ee Timo Werner kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Reds ayaa doonaysa in ay bixiso lacagta 51 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga reer Geramny ee qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ku jira.

Laakiin wargayska Daily Express ayaa soo saaray Liis 4 weeraryahan oo ay Liverpool u dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilmaan saxiixa Xiddiga Timo Werner.

Luka Jovic:

Xiddiga reer Serbia ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid xagaagii la soo dhaafay inkasta oo ay kooxdu ka soo bixisay 63 milyan oo euro.

Advertisements

Xiddiga 22 jirka ah ayaan haysan kalsoonida tababare Zinedine Zidane isaga oo ka dambeeya xiddiga 1-aad ee Karim Benzema waxana ay u badantahay in uu isaga tago kooxda xagaaga waana dookh u fiican Liverpool.

Carlos Vinicius:

Weeraryahanka Benfica ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Reds wakhtigii ugu dambeeyay waxana uu la qaab ciyaareed yahay xiddiga Roberto Firmino kaas oo dagay qalbiga taageerayaasha Reds.

Reds ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga dhawr jeer xilli ciyaareedkan waana xiddig qabtay indhaha tababare Jurgen Klopp waxana uu dhaliyay 15 gool 19 kulan oo uu ciyaaray.

Victor Osimhen:

Wargayska Express ayaa sheegay in uu Victor Osimhen yahay xiddig ay Liverpool si dhaw ula socotay muddo waxana uu xiddiga reer Nigeria wacadaro ka dhigayaa kooxda Lille waxana uu dhaliyay 13 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Diogo Jota:

Ma ahan weeraryahan toos ah laakiin Jota ayaa awoodiisa ku muujiyay premier League waxana uu kooxda Wolves ku soo bandhigaya qaab ciyaareed cajiib ah waana xiddig ka ciyaari kara dhamaan boosaska weerarka waxana uu ku soo baxayaa qaab ciyaareedka Jurgen Klopp.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR