WARBIXIN: 5-ta Saxiix Ee Ugu Qaalisan Premier League Suuqa January Ee Fashilmay Oo La Soo Saaray.

Suuqa January ayaa laga sameeyay saxiixyo badan premier League iyada oo kooxuhu u dadaalaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in ayna inta badan guulaysan saxiixyada lacagta badan laga baixiyo bartamaha xilli ciyaareedka iyada oo ay jiraan xiddigo yar oo ku guulaystay in ay si fiican u ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-tii saxiix ee ugu qaalisanaa Premier League ee suuqa January.

1.Fernando Torres – Liverpool -> Chelsea (£50m):

Xiddiga Torres ayaa si lama filaan ah uga tagay kooxda Liverpool isaga oo ku biiray kooxda chelsea suuqii January ee 2011 isaga oo Blues ugu biiray lacag rikoodh ah.

Laakiin Torres ayaa si weyn ugu fashilmay kooxda Chelsea isaga oo aan ku soo bandhigin qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay kooxda Liverpool intii uu joogay.

2.Andy Carroll – Newcastle -> Liverpool (£35m):

Xiddigan reer England ayaa Liverpool ugu biiray badalka Torres isaga oo ku biiray suuqii January 2011 laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican isaga 6 gool oo kaliya u dhaliyay 44 kulan oo uu ciyaaray.

3.Wilfried Bony – Swansea -> Manchester City (£27.5m):

Xiddiga reer Ivory Cost ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Swansea City taas oo keentay in uu xiiso ka helo kooxo badan oo premier League.

Man City ayaa xiddiga Bony ka dhigtay saxiixyadeeda ugu qaalisan iyada oo kala wareegtay kooxda Swansea city laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

4.Cenk Tosun – Besiktas -> Everton (£27m):

Bishii January 2018 Everton ayaa Tosun kalasoo wareegtay kooxda Besiktas laakiin xiddiga reer Turkey ayaan so bandhigin qaab ciayareed cajiib ah.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa Everton u ciyaaray 49 kulan walina jooga kooxda waxana uu kaliya dhaliyay 9 gool intii uu joogay kooxda.

5.Juan Cuadrado – Fiorentina -> Chelsea (£23.3m):

Cuadrado ayaa chelsea ku soo biiray suuqii January ee 2015 iyada oo laga filayay wax weyn kadib qaab ciyaareed fiican oo uu ku soo bandhigay Kooxda Fiorentina iyo xulka qarankiisa koobkii adduunka.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo taas oo keentay in uu dhaliyo hal gool 12 kulan oo premier League ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR