WARBIXIN: Ac Milan oo si daran u xiiseyneysa daafaca midig ee Atalanta Hans Hateboer.

Ac Milan ayaa si daran u xiiseyneysa daafafaca midig ee kooxda Atalanta Hans Hateboer sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Holland.

24-jirkaan wuxuu kusoo biiray kooxda Atalanta bishii January sanadkii hore, balse wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isagoo xilli ciyaareedkan kaliya matalay 17-kulan, sidoo kalana wuxuu caawiye ka noqday guushii Crotone.

Sida ay sheegtay VI, kooxda Rossoneri ayaa xiiso u qabto daafacaan reer Holland, waxeyna dooneysaa iney lasoo saxiixato xagaaga soo aadan, balse hadda ugu yaraan ay gogol xaar sii sameyn doonto.

Atalanta xiriir fiican ayey la leedahay Ac Milan waxeyna ka iibisay Andrea Conti iyo Franck Kessie.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR