WARBIXIN: Barca Oo Dejisay Qorshihii Ay Jean Michael Seri Ku Keeni Laheyd Camp Nou – Balse Uma Wacna Xiddigaan!

Jean Michael Seri ayaa ku dhowaaday inuu kusoo biiro kooxda Barcelona intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagii, laakiin daqiiqadii ugu dambeysay kooxda reer Catalonia ayaa ka baxday heshiiska.

Ujeedka Barcelona wuxuu waqtigaas ahaa inay xooggeeda oo dhan isugu geyso sidii ay usoo xerogelin laheyd kubadsameeyaha kooxda Liverpool Philippe Coutinho, hase yeeshee, markii dambe ayey Barca ku khasaartay qorshahaas.

Si kastaba ha ahaatee, La Blaugrana ayaa qorsheyneysa inay markale isku daydo inay 26 sanno jirkaan Seri kala soo saxiixato kooxda Faransiiska ah ee Nice bisha Jannaayo 2018ka.

Qandaraaska uu Seri kula jiro kooxda Nice ayaa dhacaya dhammaadka bisha June sannadka 2019ka. Sidaas darteed inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee jiilaalka Barca waxay dooneysaa inay gacanta kusoo dhigto xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast, kaasoo loo yaqaano Xavi-ga qaaradda Africa.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Marca ee dalka Spain waxay sheegeysaa inay maamulka Barcelona doonayaan inay marka hore iibiyaan mid ka mid ah ciyaartoydooda qadka dhexe ka hor inta uusan kooxda imaan Seri – waxayna u badan tahay inuu albaabka ka bixi doono kubadsameeyaha reer Turkey Arda Turan.

Barcelona ayaa la filayaa inay qiimo lacageed dhan 40 milyan oo euros kula soo wareegto Seri marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub horraanta sannadka soo aadan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR