WARBIXIN: Juventus Oo Barcelona Iyo Bayern Munich Kula Soo biirtay Xiisaha Ay U Qabaan Daafacan Reer France.

Sida laga soo xiganayo warsidaha reer France ee Le10Sport Juventus ayaa Barcelona iyo Bayern Munich kula soo biirtay xiisaha ay u qabaan daafaca France Benjamim Pavard.

Pavard oo waqtigan katirsan kooxda Bundesliga ciyaarta ee VfB Stuttgart ayaa indhaha dad badan kusoo jiitay kadib bandhig wacan oo uu kasameeyay dhacdadii lagu soo idleeyay Russia markaas oo ay France la hoyatay World Cup.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa xagaagan xiisaynayay Pavard inkasta oo uu wali baaqi kusii yahay Stuttgart.

Juventus ayaa dhanka kale doonaysa in ay hesho ciyaaryahanno da’yar si ay u dhisaan mustaqbalkooda iyada oo Pavard uu saxiix cajiib ah u noqon doono Old Lady.

Pavard ayaa kooxda Stuttgart ugu soo dhaqaaqay adduun dhan 5.5-malyan oo Euro isaga oo wixii intaas kadanbeeyay ciyaaray 50-ciyaarood oo Bundesliga ah.

Sidoo kale daafacan ka ciyaara garabka midig ayaa soo jiitay indhaha caalamka kadib goolkii qurxda badnaa ee u ka xaqiijiyay Argentine markaas uu ku qaatay goolka ugu qurxoon dhacdada koobka adduunka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR