WARBIXIN: Liverpool, Roma & 5-tii Kulan Ee Sababta U Noqday In Ay Barcelona Shaqada Ka Caydhiso Ernesto Valverde.

Inkasta oo uu laba horyaal oo xidhiidh ah ku hogaamiyay kooxda hadana Barcelona ayaa xalay si Rasmi ah shaqada uga caydhisay tababare Ernesto Valverde kaas oo isaga tagay kooxda kadib 3 xilli ciyaareed oo uu hogaamiyay.

Quique Setien Ayaa noqday tababaraha cusub ee kooxda Barcelona isaga oo ku fadhiisan doona kursiga uu baneeyay Valverde isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti hore ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-tii kulan ee sababta u noqday in uu Valverde waayo shaqadiisa Barcelona:

Roma 3-0 Barcelona. Champions League quarter-final Lugtii 2-aad. April 10, 2018.

Kadib markii uu wakhtigiisa Barcelona ku bilowdayy guuldaro ka soo gaadhay Real Madrid tartankii Supercopa de Espana, Valverde ayaa ku raaxaystay 36 kulan oo guuldaro la’aan ah horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Si kasta ha ahaatee 2 todobaad iyo badh kadib markii ay kooxdu ku guulaystay horyaalka Barcelona ayaa looga yaabsaday yurub.

Kooxda Valverde ayaa 4/1 ku badisay lugtii 1-aad ee Semi-finalka champions League iyaga oo Camp Nou ku dubtay kooxda Roma laakiin kulankii 2-aad ayay Roma noqotay kooxdii 3-aad ee taariikhda champions league ka soo kabsata guuldaro 3 gool ah oo laga dhaliyay lugtii hore.

Liverpool 4-0 Barcelona. Champions League semi-final 2-aad. May 7, 2019.

Sanadkii hore kooxda Barcelona ayaa ugu cad-cadayd in ay iska xaadiriso Finalkii ugu horeeyay tan ilaa 2015 kadib markii ay lugtii hore ee ka dhacday Camp Nou 3/0 ku garaacday Liverpool.

Fursadaha Barcelona ee gaadhista Finalka ayaa sii fiicnaatay ka hor kulanka kadib markii ay Liverpool dhaawac ku wayday xiddigaha Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Laakiin Liverpool ayaa ka yaabsatay Barcelona iyaga oo ka gaadhay guul taariikhi ah oo 4/0 ah mar kalena Barca ka hor istaagay final champions League ah.

Barcelona 1-2 Valencia. Copa del Rey final. May 25, 2019.

Xitaa Horyaalkii 2-aad ee La Liga ayaa Aamusin kari waayay dadka dhaleecanaya tababare Valverde kadib markii ay Barcelona guuldaro kala kulantay Valencia Finalka Copa del Rey.

Valverde ayaa doonayay in uu ceebtii Liverpool kaga maydho Barcelona ku guulaysiga Copa del Rey Laakiin waxa mar kale ka yaabsatay Valencia kuwaas oo 2/1 ku garaacday Barcelona.

Espanyol 2-2 Barcelona. LaLiga. January 4, 2020.

Guuldarooyin ka soo agadhay Away defeats to Athletic Bilbao, Granada & Levante ayaa keentay in ay Barcelona ku bilaabato si xun horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa 2/1 ku hogaaminaysay kulankii ugu dambeeyay ee uu Valverde hogaamiyay Barcelona horyaalka La Liga laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay Espanyol Barcelona ku qabatay bar-baro 2/2 ah.

Barcelona 2-3 Atletico Madrid. Supercopa de Espana semi-final. January 9, 2020.

5 maalmood kadib xaalka Valverde ee Barcelona ayaa sii xumaaday.

Kooxdiisa ayaa 2/1 ku hogaaminayasay Semi-finalka Supercopa de Espana iyada oo 9 daqiiqo ka dhimanayd dhamaadka kulanka laakiin Barcelona ayaa bur-burtay iyada oo Atletico Madrid guul 3/2 ah ka gaadhay Barcelona.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR