WARBIXIN: Mino Riola Oo Ballanqaadkan U Fulinaya Paul Pogba.

Waayaha Pogba ee Manchester United ayaa u muuqda kuwa soo idlaanaya, kadib markii uu soo noq-noqday khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Jose Mourinho.

Xilli warar xagaagan isasoo tarayayna ay sheegayeen in uu 25-jirkan uu u dhaqaaqayo Barcelona iyo Juventus.

Pogba ayaa ka caawiyay France in ay 4-2 kaga adaakaadaan Croatia markaas oo uu shabaqa soo taabtay.

Paul Pogba ayaa tayadiisa ku muujiyay dhacdadii lagu Russia inkasta oo uusan Manchester United hannaan wacan kula bilaaban ololahan bilawga ah ee 2018-19.

Si kastaba ha ahaatee Manchester Evening News ayaa ogaatay in Mino Riola uu sannaddii 2016 u ballan qaaday Pogba in uu seddex sano kadib uu u dhaqaajin doono Spain, taas oo kadhigan in qorshaha Riola uu yahay in uu Pogba u gacan galiyo Barcelona.

Waxaana suurta gal ah in Real Madrid ay Barca kula dagaallanto Pogba iyaga oo dib usoo cuboonaysiin doona xiisihii ay u qabeen xilligii uu maamulayay Zidane.

Yeelkeede, inakasta oo uu Zidane isaga dhaqaaqay Bernabeu, Madrid ayaa doonaysa in ay xoojiso qadkeeda dhexe, walow uu saxiixa Pogba uu suura gal noqon doono haddii uu Modric isaga dhaqaaqo kooxda caasimadda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR