WARBIXIN: Qoyska gabadhii uu candhuufta ku tufay Jamie Carragher oo aan doonayn in Falanqeeyaha shaqada laga cayriyo!

Qoyska gabadhii 14-jirka ahayd ee uu candhuufta ku tufay Jamie Carragher ayaan doonayn in falanqeeyahan laga cayriyo shaqada Sky Sports.

Halyeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa labo Isbuuc laga ganaaxay shaqadii falanqeynta ahayd ee uu ka hayey Sky Sports, kaddib markii lagu helay inuu gabadhaas yar candhuufeeyey.

Difaacii hore ee Reds ayaa candhuufta gabadha uga soo tufay gudaha gaarigiisa xilli uu ka baxayey garoonka Old Trafford kulankii Man United ay kooxdiisii hore ee Reds uga badisay 2-1.

Si kastaba xaalku ha ahaadeen Jariiradda Mirror ayaa iyadoo soo xiganaysa waalidiinta dhalay gabadhii candhuufta lagu tufay waxa ay sheegaysaa in qoyska gabadha yar aysan doonayn in shaqada laga cayriyo Jamie Carragher.

“Ma doonaeyno in uu waayo shaqadiisa, taasi ma’ahan waxaan rabnay, waxaan kaliya doonaynay raali-gelin iyo sharraxaad” ayuu Aabbaha dhalay gabadha yar ee candhuufta lagu tufay u sheegay Jariiradda Mirror.

“Waxa uu u muuqdaa mid ka qoomameeyey, qof walba qalad waa uu gala, dhammaanteen waxaan nahay bini’aadam.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale xaaska Aabaha dhalay gabadha ayaa intaa ku dartay: “Runtii waxa uu u muuqday mid aad uga xumaaday.”

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR