WARBIXIN:Tababare Julen Lopetegui Oo Ka Hadlay Wararka Real Madrid La Xiriirinaya Saxiixa Hector Herrera.

Xidiga heerka caalami ee reer Mexico ayaa si layaab leh loo xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu wararkan ayaa si dhaqso ah looga jawaab celiyay.

Tababaraha Real Madrid Julen Lopetugui ayaa qashinka raaciyay wararka Hector Herrera la xiriirinaya in uu imaanayo Bernabeu.

Xidigan qadka dhexe ee reer Mexico qyaa lasoo sheegayay in uu diiradda u saaranyahay kooxda kadhisan caasimadda Spain maadaama uu kasii dhammaanayo heshiiska uu kula jiro kooxda reee Portugal.

Haddii uusan kordhin qandaraaska 28-jirkan ayaa xor u ah in wada hadal layeesho dhammaan kooxaha xiisaynaya uuna lagaari karo heshiis hordhac ah bisha January.

Lopetogui ayaana lagu tirinayay tababarayaasha xiisayanaya in ay beeca xorta ah ku helaan qabiirkan bandhigga wacan samayanaya.

Yeelkeede, tababarha Los Blancos ayaa iska fogeeyay in uu wax xiisa ah u qabo xidiga.

“Wararka Madrid la xiriirinaya Hector Herrera waa kuwa la allifay” ayuu Julen.

“Majoogo Porto, balse qoyskayga waan la aaday waqtigii fasaxa, balse lama aanan kulmin Hector.”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR