AC Milan Iyo Inter Milan Oo Ku Dagaallamaya Daafacyadan Kakala Tirsan Chelsea Iyo Atletico Madrid

Sida ay maanta warisay majaladda Il Corriere dello Sport, AC Milan iyo Inter Milan ayaa ku dagallamaya laba daafac oo muhiim ah.

Kaliya maahan daafaca ay labada kooxood ee isku magaalada ahi ay ku dagaallamaya daafaca Atletico Madrid iyo Uruguay Diego Godin.

Balse sidoo kale kooxaha ka wada ciyaara Serie A, ayaa danaynaya saxiixa daafaca Chelsea gadoodka ka ah ee Garry Cahill.

Cahill ayaa loo arkaa b dooqa labaad balse, daafacan reer England ayaa la heli karaa marka loo eego Godin, maadaama uu waqtigan kamid yahay safka koobaad ee kooxda ee Atletico Madrid.

Halka Garry Cahill laga tuuray safka koobaad ee kooxda Maurizio Sarri, taas oo kadhigan in xidigani faarujin karo garoonka Stamford Bridge.

Labada kooxood ee talyaani ayay suurta hal tahay in ay gacanta kusoo dhigaan labadan daafac midkood, marka lagaaro suuqa jiilaalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR