Wasaaradda Dastuurka oo Madax ka tirsan DFS uga Warbixiyay Arrimaha Dastuurka

Muqdisho (PP) ─ Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dastuurka DF oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo agaasime-waaxeedyo katirsan wasaaradda dastuurka ayaa kulan la yeeshay agaasimaha guud ee Madaxtooyada dalka oo ay wehliyaan agaasime-waaxeedyo katirsan mdaxtooyada Qaranka iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha madaxweynaha JFS.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid
warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta
Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku
saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku
hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka.

Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa
sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo
dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha
siyaasadda. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa
sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo
waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro
arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo
muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi
doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR