Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland waxay tababar u furtay Dhalinyarada jaamacadaha ka baxay ee gobolka Saaxil

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaarahajamhuuriyada somaliland waxa ay tababar u furtay dhalinyarada jaamacadaha kabaxay ee gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland ayaa tababarkan u qabatay dhallinyarada ku nool Berbera ee ka baxay jaamacadaha. ugu horeyn waxa tababarkan si wada jir ah u furay Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi iyo Isudawaha Wasaarada Dhallinyarada Gobolka Saaxil Shaafi.

Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi waxa uu ka waramay ujeedada tababarkan oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhallinyarada ku nool Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa kulan ka hadlay Isudawaha Wasaarada Dhallinyarada Gobolka Saaxil Shaafi oo soo dhaweeyey tababarkan, sheegay in ay muddoo sugayeen.

bandhige@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR