Wasiir Goodax ” Waxaan ogaanay in Tayada macalimiinta Soomaaliyeed ay aad u liidato

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay ogaadeen 22% [Labaatan iyo Labo Boqolkiiba] oo kaliya u qalmaan in ay macalimiin sii ahaadaan. ”Waxaan Itixaan ka qaadnay Kumannaan Macalimiin ah oo wax ka dhiga Dugsiyada Hoose iyo Dhexe wadanka oo dhan, wali natiijadii lama shaacin, laakiin waxaan ogaannay in Tayada Macalimiinta Soomaaliyeed ay aaad u liidato, 22% oo kaliya ayaa u qalanta Darajada Macaliminnada” ayuu yiri Wasiir Goodax. Dhinaca kale Macalimiinta Dugsiyada sare wax ka dhigta ayuu sheegain 30% [Sodan Boqolkiiba] oo kaliya u qalmaan sida uu hadalka u dhigay Darajada Macalinnimada, taasoo muujineysa ayuu yiri in Aqoonta Macalimiinta Soomaaliyeed ay aad u liidato. Wuxuu sheegay Wasiir Goodax in Wasaaaraddu diyaarisay Manhajkii Soomaaliga ilaa fasalka 8aad oo loo baahan yahay in si wada jir ah loo hergaliyo, isaga oo sheegay in dugsigii ka hor yimaada in uu wax ku baro Ardeyda Manhajka ay Wasaaraddu soo diyaarisay Alaabada loo laabi doono. ”Dugsigii isku daya in uu si toos ah uga horyimaada Manhajka ay Wasaaraddu ugu tala-gashay in Carruurta Soomaaliyeed wax lagu baro, meeshii uu doono haka shidaal qaato Albaabada ayaan u xiri doonnaa”ayuu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili sii kordhayaan Dugsiyada Waxbarashada iyo Jaamacaddaha dalka oo sanad walba soo saara Kumannaan Ardey Soomaaliyeed ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR