Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda dalkaasi, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Weli ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Faratoon uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Turkida ah, balse waxaa xusid mudan in Somaliland ay dhawaan Wakiil cusub u magacowday dalkaasi.

Sidoo kale, Turkiga ayaa horey qayb uga ahaa Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wallow la sheegay in aanu hadda qayb ka ahayn wada-hadallada socda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR